Muqdisho, (insidesomalia.org)-Qarax xoogan ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,kaas oo lala beegsaday qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la tilmaamay in ay marayeen isgoyska Towfiiq.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca rimuud contorolka ayaa lala beegsaday Ciidamada Itoobiya,waxaana la xaqiijiyay Geerida hal ruux oo rayid ah oo la tilmaamay in uu ku ganacsanayay goobta uu qaraxu ka dhacay meel ku dhow.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qarax xoogan lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ,waxaana ku geeriyooday nin hilib ku iibinayay goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray Ciidamada Itoobiyanka
Qaraxa ka dhacay Isgoyska Towfiiq ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Ganacsigii ka jiray Isgoyska Towfiiq, wallow markii denbe uu dib u farmay Ganacsigii,waxaana dadka ku ganacsada Suuqa Towfiiq ay muujinayaan cabsi ay ka qabaan Ciidamada Itoobiya in ay ku soo faafaan Xaafada Towfiiq.